WFP oo Deked Kooban ka dhisaysa Hobyo (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa maanta gaaray Magaalada Hobyo saraakiil ka socota Hay’adda Cunada Adduunka WFP, Waana markii labaad oo bishaan gudaheeda tagaan Hobyo. Wafdigan ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Wasiirka Dekedaha Galmudug Cabduqaadir Qalabxoor, Maamulka Degmada Hobyo.

Ujeedada Saraakiishaan ayaa ah sidii ay u bilaabi lahaayeen dhismaha deked kooban oo laga dajin doono raashinka Mucaawinada ah ee la gaarsiinayo deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Mashruucaan oo diyaarintiisa muddo soo socotay ayaa hadda galay wajigii fulinta Mashruuca. waxaana la filayaa in beri ay bilaabato Qorsha fulinta mashruucaan.

Mucaawinada loo wado Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa horey uga soo dagi jiray dekadaha Muqdisho iyo Boosaaso, waxaan mashruucan dhismaha dekadan kooban yareyn doonaa qarashkii ku bixi jiray daabulka mucaawnida. Sidoo kale WFP ayaa Bakhaaro keyd ka sameyn doonta Hobyo iyo Dusmareeb.