Faahfaahin Qaraxa ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa Caawa ku qarxay inta u dhaxeya saldhigga degmada Waabari iyo Hotelka Makah Al mukaramah ee Magaalada Muqdisho.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay kasakow Hoteelka waxaa yaallay gaadiid badan oo halkaasi Ciidanka dowladda ay ku baarayeen.

Waxaa jira Khasaare kala duwan oo Qaraxaasi ka dhashay waxaana hadda gubanaya Gaadiid badan oo yaallay goobta la qarxiyay.

Rasaas badan ayay fureen Ciidanka Booliska ee halkaasi ku sugnaa waxaana ka dhashay waxyeelo.

Gaadiidka Gurmadka degdega ah ayaa ku howlan badbaadinta dhaawacyadda Qaraxaasi uu sababay.