Wax-Garad Ka Yimid Dhulka Somali State Oo Gaaray Deegaanka Dhumay, Ogow Maxay Tahay Sababtu?

Wararka Maanta

Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiilwaal oo ah garaadka guud Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo wafti uu hogaaminayo ay soo gaareen deegaanka dhummay koonfurta Gobolka Sool ayaa ka waramay halka ay marinayaan ka ergay ahaan nabadaynta labada beelood ee gobolka Sool .

Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiilwaal oo hogaaminaya Isimo iyo Madax dhaqameed badan oo uu soo direy Madaxwaynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay inay laba beelood/labada dhinac ay ku qanciyeen,xabad joojin,nabad buuuxda,iyo sidoo kale inay kala xakameeyaan ciidamada laba dhinac.

Garaad Kulmiye Garaad Maxamed ayaa uga mahad celiyay labada dhinac siday ugu soo dhaweeyeen magaalooyinka labada dhinac una aqbaleen ergadoodii nabadeed.

Deegaanka ay ka yimaadeen wafdiga Garaadka iyo Ergooyin kale oo ka kala yimid :
magaalooyinka Garoowe,Laascaanood, Buuhoodle iyo Deegaano ka tirsan dawlada deegaanka Somalida,waxaa hawsha taladeeda iyo meel marinteedaba la wareegay Maamulka Dawlada Deegaanka Soomaalida .

Shirkadan ayaa ka socda hadda deegaanka Dhagax-Isguro o hilaadii 26 Km kaga beegan dhanka Koonfureed magaalada Laascaanood waxaana la sugayaa wufuud uu ka mid yahay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka kala imaan doona magaalooyinka Qardho,Bosaso, Galkacyo, Ceerigaabo iyo Deegaano kale oo ka tirsan Dhulka PUNTLAND.

Dhinaca kale , Garaad Kulmiye ayaa sheegay Madaxwaynaha Soomaalida ee Dowlad Deegaanka inuu deeq raashina iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin dadka kasoo barakacay deegaanadii ay ka dheceen dagaalladu uu soo gaadhsiin doono maalinta berito , iyadoo losoo marinayo magaalooyinka Wajaale illaa Laascaanood.

Garaadka ayaa ka ilmeeyey boqolaal Qoys oo ku daadsan dhirta hoosteeda deegaanada Koonfurta Gobolka Sool,kuwaas oo aan haysan wax ay ku noolaadaan,kana soo barakacay goobihii ay dagaalladu ka dheceen .

Ugu Danbayntii wuxuu baaq dheer u direy shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha inay usoo gurmadaan dadkaas.