Wasiirkii amniga Jubaland oo maanta maxkamad lasoo taagay

Wararka Maanta

Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa maanta la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo loo heysto eedeymo la xiriira tacadiyo dhanka bani’aadanimada oo ka dhacay Gobolka Gedo sanadkii 2015.

C/rashiid Janan iyo Buulle Aadan Maxamed oo aha Taliyihii Ciidamo ka howlgeli jiray Doolow iyo Beledxaawo ayaa labadaba la isla soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Inkastoo bishii April ee sanadkan ay Maxkamadda Gobolka Banaadir baabi’isay dhammaan eedeymihii loo heystay Mr C/rashiid Janan ayaa hadana waxaa maanta la soo taagay Maxkamadda Gobolka.

C/rashiid Janan ayaa la xiray dhamaadkii bishii Agosto, xilli garoonka diyaaradaha Muqdisho ku ahaa Transit, kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Xariggiisa ayaa waxaa ka dhashay banaan baxyo looga soo horjeedo oo ka dhacay Gobolka Gedo iyo magaalada Kismaayo, waxaana ay sii fogeysay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.