Wasiirka Arimaha Gudaha DFS oo gaaray Galinsoor

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdigii ka socday dowladda Federaalka ee shalay soo gaaray Cadaado, ayaa maanta safar ku tagay Magaalada Galinsoor halkaas oo lagu hayo 2 askari oo itoobiyaan ah.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdi Sabriye, waxaana safarkiisa ku wehliya Wasiiru dowlaha Howlaha Guud DFS Axmed Qoorqoor, Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha DFS Cabdikariin Khaliif iyo masuuliyiin kale.

Wafdigan ayaa hadda shir kula jira waxgaradka Galinsoor, waxaana kulan looga hadlayaa in Maxaabiista itoobiyaanka ay dadka deegaanku hayaan lagu soo wareejiyo wafdiga Dowladda Dhexe, inkastoo dadka deegaanku ay ka biyo diidsan yihiin arintaan.

Masuuliyiintan ka socota dowladda ayaa awoodda saaraya sidii ay ula soo wareegayaan Maxaabiista itoobiyaanka iyo hubkii laga furtay.