Wasiir Islow”Cid qaban kartaa Majirto Shir aan Fasax loo haysan

Wararka Maanta

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa soo saaray awaamiir ku aadan in cid walba oo qabaneysa shirar laga doonayo inay warqad fasax ah ka heysato Wasaaradda Amniga iyo Gobolka Banaadir.

Islow Ducaale ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga doonayo inay u dhega nuglaadaan awaamiirta ay bixiyaan Ciidamada ammaanka.

“Waxaan rabnaa in halkaan ka caddeyno in goobaha mar kasta lagu shiro in iyadoo fasax haysan aan la sameyn karin, waxaan rabnaa in mar walbo oo la shirayo in fasax laga qaato wasaaradda amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, shacabka Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa iney kaalin ka qaataan amniga, nabadeynta, kana fogaadaan fal kasto oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa sheegay in looga baahan yahay muwaadin kasta inuu danta guud ka hormariyo danta gaarka ah.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Amniga ayaa ku soo beegmaya, iyadoo xalay Ciidamada Nabadsugida ay weerar ku qaadeen guri uu degenaa C/raxmaan C/shakuur, iyadoo markii dambe lagu qabtay howl galkaas.