Wasiir Bayle oo Howlgab ka dhigay Shaqadii Wasaaradd

Wararka Maanta

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa wajahaya eedeymo la xiriira inuu la wareegay awooddii Wasaaradda, isla markaana shaqada Wasaaradda ka dhigay mid howlgab ah oo uu Laptop ku maamulo, sida ay sheegayaan Ilo ku dhow dhow Wasaaradda.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo taraya khilaaf u dhaxeeyay Wasiirka, Wasiiru dowlaha iyo Wasiir kuxigeenka, taasoo gaartay heerkii ugu xumaa ee soo marta Wasaaradda sanadihii u dambeeyay

Wasiir Beyle ayaa dhowaan shaqo joojin ku sameeyay Xoghayihii joogtada Wasaaradda Maaliyadda Mr Axmed Dayib, iyadoo arrintan ay ka hor-yimaadeen Wasiiru dowlaha iyo Wasiir kuxigeenka, waxaana ay dacwad ka dhan ah u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha.

Arrimaha Wasiir Beyle lagu eedeynayo ayaa waxaa ka mid ah inuu howl gab ka dhigay Wasiir kuxigeenkii iyo Wasiiru dowlaha, isla markaana shaqada u gacan geliyay Xogheynadiisa gaarka ah, waxaana dood iyo muran ka dhalatay lacago safar ahaan Wasiirku u isticmaalay oo dhowaan si hoose Saxaafadda loogu dusiyay.

Lacagaha Wasiirka isticmaalay lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa gaartay in ka badan nus milyan dollar, waxaana u dambeeyay lacag sahay safar ah oo Wasiirku u qaatay Mareykanka, xilligii uu ka qeyb galayay shirka IMF.

Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo Wasiiru kuxigeenka C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa dhowaan Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay dacwad ka dhan ah Wasiirka, hase ahaatee waxaa arrintan xalinteeda soo dhex galay shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ee Muqdisho ka furmay.

Is qab qabsiga ka jira Wasaaradda Maaliyadda ayaa salka ku haya awooddaha guud ee maamulka wasaaradda, waxaana Wasiiru dowlaha iyo Wasiir kuxigeenka ku andacoonayaan in Wasiirka aanu la tashan, isla markaana isku koobay shaqada, dad dibada uu kala yimid uu shaqooyinka u dhiibay, wax kastana la wadaago.