Showgii ay magaalada Hargeysa ku dhigi lahayd fanaanada Nasteexo Maxamuud Warsame (Nasteexo Indho) ayaa la joojiyey ,kadib markii ay xalay ciidamada Booliska Somaliland la wareegeen hotelkii ay fanaanadaasi ku dhigi lahayd showgaasi.
Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa showgaasi joojisay,iyada oo wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay sababta ay Fanaanada nasteexo Indho uga hor istaageen bandhigii xalay ayaa ku sababeeyey laba arrimood: 1 inaanay fanaanadu ogolaanshiiyo ay ku qabsan karto bandhig ka qaadanin wasaarada warfaafinta iyo dhaqanka, 2 iyo inay qaaday heeso uu sheegay in anshaxa islaamka iyo dastuurka wasaarada diinta iyo awqaafta ka soo horjeedo.
Faananada Nasteexo Indho ayaa horey looga joojiyey bandhig faneed ay ku qaban laheyd Magaalada Garoowe, kadib markii ay culimada Puntland ay qayla dhaan arintaasi ka muujiyeen, Nasteexo ayaa lagu eedeeyaa in ay qaado heeso lidi ku ah anshaxa suuban ee soomaaliyeed.
Comments are closed.