WARIYEYAASHA IYO II DHEH-DA MURASHIXIINTA. W/Q: Abdi Hassan Awoowe

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

WARIYEYAASHA IYO II DHEH-DA MURASHIXIINTA.

fb_img_1477251518798

Waxaan arkay qaar ka mida saaxiibadayda wariyaasha ah oo ii dhehyo/xayeysiisyo xad dhaaf ah u sameynaya murashaxiin xil qaran u xaydxaydanaya.

wariyuhu xaq uma lahan inuu dadwaynaha ku yiraahdo murashax hebel Doorta, isagoo adeegsanaya ereyo faanfaanin/buunbuunin ah oo xitaa ay suuragal tahay shaqsiga uu faafinayo inuusanba la ogayn, balse ay tahay fikraddiisa iyo wuxuu lá jeclaanlahaa shaqsigaas xil doonka ah, Waana wax xaaraam ka ah wariyaha, waxayna dhaawacaysaa Anshaxa wariyaha, Éthics Of Journalist.

Dadwaynuhu iyagaa xaq u leh murashaxa ay jeclaanayaan iyo kay nebcaanayaan, balse adiga waxaa kula gudboon inaad dadka usoo gudbiso macluumaadka runta ah ee murashaxa, adigoo ka ilaalinaya go’aankaaga iyo rabitaankaaga, meesha aad adigu afkaada ka oranlahayd Hebel doorta waxaad ku beddelikartaa isagoo murashuxu afkiisa ka oranaya i doorta oo dadwaynaha kalsooni waydiisanaya.

Wariyaashu shaqo muhiim ah ayey bulshada u hayaan, xil culusna wuu saaranyahay, muhiimadda ay saxaafaddu dunida u leedahayna ma ahan wax aan halkaan kusoo koobikaro.

Haddii aan wax qalday waa la isixikaraa, waan hubaa inay jiraan dad iga mudnaa ka hadalka mowduucaan, balse ula jeedka qormadaani waa inaan Kala faa’iideysanno.

Mahadsanidiin.

W/Q:Abdi Hassan Awoowe