ciidammo ka tiran ururka Alshabaab ayaa dagaal culus saaka ku qaaday saldhig ay ciidammada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30 km dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.
Dadka deegaanku waxa ay sheegeen inay maqleen qarax weyn oo loo malaynayo inuu yahay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay in marka hore xerada lagu weerraray, kaddibna waxaa bilowday hub culus oo ay iswaydaarsanayeen labada dhinac ilaa uu waaga ka soo cadaaday.
waxa ay sheegayaan in muddo daqiiqada ah uu halkaasi dagaal culus ka socday, balse ilaa hadda lama oga heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerrarkaasi.
Hasayeeshee Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigaas ku dishay in ka badan 20 askari, halka warar iyaga ka madax bannaanna ay sheegayaan in halkaa lagu dilay ugu yaraan 18 askari.
Dowladda aya dhankeeda Sheegatay khasaare ay gaarsiyeen shabaabkii soo weeray Janaraal Ismaaciil Saxar Diid oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo wareysi siiyay Wakaaladda SONNA.wuxuuna sheegay in Khasaaro xoogan uu ka soo gaarey kooxdii weerarka soo qaaday ee Shabaab, ayna kaga dhinteen ilaa 20 maleeshiyaad ah kuwo kalena ay kaga dhaawacmeen
Ugu danbayna Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa gacanta ku haya Saldhigii Saaka weerarka ka dhacay.
Cali-yare Adam
Ceelhuur.com