Waa sidee saaka xaalada magaalada Godinlabe?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sidaas la socotaan waxaa tan iyo shalay xiisad ka taagneyd duleedka koofureed ee magaalada Godinlabe oo aheyd bar ay canshuurta ku qaadaan maamulka Galmudug.

Kadib dagaal dhacay shalay duhurkii, waxaa xalay odayaal iyo waxgarad kale isku dayeen inay qaboojiyaan xiisada, iyagoo ku guuleystay in ciidankii Nabad sugidda dib u soo raraan, balse waxa ay ku guuleysan waayeen in ciidankii jidgooyada dhigtay ku qanciyaan in ay Cadaado dib ugu soo laabtaan.

Jawiga saaka waa mid degan ciidamadii in afweyne ayaa dib u dhigtay isbaaro ay lacag ku qaadayaan inta u dhaxeysa Mareergur iyo Godinlabe, waxaana suuragal ah in ciidan Nabad sugidu ay ku weeraraan goobta ay isbaarada dhigteen.

ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in Ciidanka ina afweyne ay diideen in ay isku dhiibaan maamulka ahlu sunno, inkastoo wararka qaar sheegayaan in uu gurmad uga yimid Ahlu sunno.

Wixii kusoo kordha kala halkaan.

Comments are closed.