Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Guddi u magacaabay wadahalada Galmudug iyo Ahlusunna.
Guddigaan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka arimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa iyo xildhibaano
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale xalay la kulmay xubno ka tirsan Ururka Ahlusunna ee gobolada Dhexe, kulanka waxaa qeyb ka ahaa madaxda maamul goboleedyada.
Kheyre ayaa Ahlu sunno ugu laab qaboojiyey inaysan guddiga dhexdhexaadinta aysan ku jiri doonin shaqsiyaad ka qeyb galay hardan gobolada dhexe.
Madaxda Maamul goboleedyada ayaa ka codsaday Ahlu sunno in ay danta guud u tanaasulaan, Waxaana fadhigaan ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Wada hadalada ayaa lafilayaa in ay maanta bilowdaan, dowlada federaalka ayaa labada dhinac mid gooni ula shareysa, mana jirto shir ay isasoo hor fariisanayaan.
Ahlu sunno ayaa la qorsheeyey in kulanka koowaad lala yeesho, kadibna Galmudug lala kulmo, waqtigii dowladu ugu tala gashay wada hadalka ayaa waxaa ka dhiman hal todobaad oo ku eg 24 bishan.
Ahlu sunno ayaa wadata shuruudo ay ka mid yihiin :
1. In doorashadu ka dhacdo Dhuuso mareeb.
2. In Barlamaanka Galmudug loogu daro 45 xildhibaan.
3. Madaxweyne ku xigeen
4. Taliyaha Qeybta 21-aad
5. Ciidamada Ahlu sunno oo la qarameeyo.
6. Gudoomiyaha gobolka Galgaduud.
7. Gudoomiyayaasha degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel, Cabudwaaq iyo Xeraale.
8. Lacag gaaraysa 5 milyan dollar.
9. Safiiro wadamada qaar.
10. Kalabar golaha wasiirada Galmudug.
Dhanka kale Galmudug ayaa goobta la tageysa :
1. In ay Ahlu sunno la siiyo 11 xildhibaan oo ay hab beeleed ku soo xulaan.
2. In Golaha wasiirada laga siiyo 30%.
3. In 30ka bishan aysan ka daba mari karin doorashada Madaxweynaha Galmudug.