Ethiopia oo Ciidan Cusub soo galisay Soomaaliya

Wararka Maanta

Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka soo gudbay xuduuda Gobolka Gedo, iyagoo ku soo wajahan deegaano ka tirsan Gobolada Koofureed.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan oo wata dabaabaadka dagaalka ayaa shalay gelinkii dambe ka soo gudbay dhanka xuduuda Doolow.

Ciidamadan ayaa gaaraya illaa kun askari, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan inay wataan hub culus.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee la doonayo in looga saaro deegaanada ay maamulaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhowaan booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya in gacan lagu siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waday qorshayaal iyo diyaar garow ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaddib weeraradii bishii October ka dhacay magaalada Muqdisho.