Amaan Duulaha Ciidanka xooga dalka iyo taliyaha Amisom oo cadaado gaaray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa Goor dhaw Soo Gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug Amaan duulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Cali Baashi Maxamed Xaaji iyi Taliyaha Ciidamada Amisom Kornely Subagle iyo Saraakil kale.

wafdigani ayaa kulamo kala duwan layeelan doona madaxda maamulka galmudug shirar kala duwan ayaana xilligan kasocda madaxtooyada Galmudug balse warbaahinta ayaa dibad joog ka,ah kulamadaan

Safarkaan ay Saakiishani kaga soo Amba-Bexeen Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay tahay sii ay ugu kuur gali laheey Amaanka Goobaha ay ka dhacayso Doorashada Xildhibaanada Qaranka.

Wararka ayaa Sheegaya in ay sidoo kale asteyn Doonaan Goobaha ay Degayaan Ciidamada loogu tala Galay in ay Sugaya amaanka doorashooyinka galmudug.
Kormeerka Kadib wafdigan ayaa lasheegay in ay dib ugu laaban doonaan magaalada Muqdisho ee caasimada soomaaliya.
Wixi faahfaahin kusoo kordha kala soco ceelhuur.net

Comments are closed.