Wararkii ugu dambeeyay Dagaalkii Gaalkacyo iyo Qasaaraha

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararki ugu dambeyay ayaa sheegaya in dagaalka uu istaagtay  kadib markii labada dhinac la kala Dhex galay.weerarka ayaa la sheegayaa in ay soo qaadeen maleshiyaad ka soo jeeda maamulka Puntland kuwasi oo iska Caabin kala kulmay Maleeshiyaad  ka soo jeeda Galmudug.

Waxaa Gaaray Bartamaha Suuqa Gaalkacyo Ciidan ka tirsan kuwa isku dhafka ee Galmudug iyo Puntland.Ciidanka ayaa kala Dhex galay labada Dhinac ee Dagaalka ku dhexmaray Suuqa Magaalada Gaalkacyo.

Inta la Xaqiijiyay waxaa ku dhintay Dagaalka 2 qof oo Ganacsato ah halka uu dhaawac soo gaaray labo Qof oo dumar lagu sheegay.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaana hada u muuqata mid Dagan madama Rasaasta ka dhaceysay Suuqa ay istaagtay.Dhanka kale Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ku howolan sidii loo dhameen lahaa Dagaalka maanta Dhacay.

Kala soco Ceelhuuronline hadba wixii kuso kordha insha allah