Wafdi Turki ah oo Beri tagaya Hobyo

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya magaala xeebeedka Hobyo ayaa sheegaya in beri ay halkaas tagi doonaan wafdi Turki ah, diyaargarowga sidii loo soo dhaweyn lahaa ayaa laga dareemayaa magaalada.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr Oglan Beker, waxaa safarkiisa ku wehliya Saraakiil ciidan, iyo masuuliyiin kale. Ujeedada safarka wafdigan ayaa lagu sheegay sidii ay mashaariic horumarineed uga fulin lahaayeen halkaas.

Dhanka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi ayaa caawa ku hoyanaya Magaalada Hobyo, sidoo kale todobaadkan waxaa magaalada ka socday furista wadooyinka iyo dayactirka jidadka muhiimka ah, arintaas oo aad ugu riyaaqeen bulshada Hobyo.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com