Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho oo xiran

Wararka Maanta

Qeyb ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa Saaka Xiran, waxaana lasoo dhigay ciidamada dowladda Soomaaliya. Isgoysyadda Taleex, Zoobe  iyo Banaadir iyo sidoo kale Wadooyin kale oo Muhiim ah ayaa Saaka xiran .

FB_IMG_1489815771197

Ciidamada dowladda ayaa Wadooyinka ku jaray Gawaarida Ciidamada, waxaana la sheegayaa inuu maanta Muqdisho imaanaayo Gudoomiyaha Midowga Afrika.

Qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho oo aan horay u ogeyn xiritaanka Wadooyinka ayaa Saaka kusoo baraarugay Marka ay shaqooyinkooda usoo kaceen , waxaana ay maalayaan lugahooda.