Waa Maxay Nidaamka Doorashada Farmaajo saxiixay?.

Wararka Maanta

Sharciga doorashada ee labada Aqal Baarlamaan ansixiyeen, Madaxweyne Formaajo uu saxiixey ma aha doorasho toos ah oo qof iyo cod ah oo muwaadanku dooran karo qofka kasta uu doonayo oo Soomaali ah. Laakiin waa mid muwaadan walba oo ku dooran karo si toos ah korsiga beeshiisa Baarlamaanka ku leedahay ruuxa ku matali doona mustaqbalka. Waa nidaamkii 4.5 oo la casriyeeyey.

Kuraastii Baarlamaanka ee ahayd 275 waa sidodii. Nidaamkii 4.5-kana waxba iskama bedelin oo beel walba intii korsi ee Baarlamaanka hadda jira ay ku leedahay ayey dib u yeelan doontaa.

Waxa keliya ee isbedeley ayaa ah halka doorashadii 2016 ergo beelleed oo 51 qof ka kooban ay Xildhibaan jufadooda ah ay soo dooratey ayaa doorashada soo socota beesha oo idil, qof walba oo ka weyn 18 sano xaq u yeelanaya in uu doorto Xildhibaanka beesha ku matali baarlamaanka. Awoodii oday dhaqameedkii ayaa meesha ka bixi doonta.

2012-kii- oday dhaqameed baa soo xuley Xildhibaanada Baarlamaanka. 2016 ergo beelleed ka kooban 51 qof oo oday dhaqameed soo xuley ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka soo dooratey.

Doorashada soo socota nidaamka 4.5 ayaa weli Xildhibaannada lagu qaybsan doonaa, waxa keliya oo soo kordhey ayaa ah in muwaadan walba si toos ah u dooran doono Xildhibaanka ku beesha ah ee kursiga Baarlamaanka ku matali doona 4 sano ee soo socota. Xildhibaannadaas cusub ayaa kadib dooran doona madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya yeelan doonto 4 sano ee soo socota haddii Illaah idmo.

W/Q: Ilyaas M. Xuseen