kabtanka Kooxda Manchester City ayaa ku soo noqonaya safka koowaad ee naadiga marka ay ciyaarayaan kulanka Premier League ee ka dhanka ah Crystal Palace isbuucan.
30-sanno jirkaan ayaa la dhibtoonayay dhaawac waayadan isagoo ciyaaray kaliya 78-daqiiqo sida uu macalin Guardiola Ula wareegay shaqada kooxda.
Kompany ayaa la safray xulkiisa Belguim kulamadii caalamiga ahaa ee dhawaan laakin qayb kama uusan aheyn kooxdii ciyaarta kulamada Nederland iyo Estonia.
si kastaba ha ahaate waxay uu diyaar u yahay inuu ka soo muuqdo kulankiisii ugu horeyay ee horyaalka Premier League Tan iyo bishii October 23-da
Tababare Guardiola waxa uu heliya islamarkaan diyaar u ah difaaca midig ee Bacary Sagna kaaso kasoo kabsaday dhaawac muruqa ah, laakin waxaa wali garoomada kasii maqnaanaayo Fabian Delph.
W\Q Hafsa Haji
Comments are closed.