Video: Farmaajo iyo Jawaari oo shir jaraa’id wada qabtay

Wararka Maanta

Duhurnimadii ayey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Baaralamaanka federaalka ee xilka ka sii degaya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wadajir shir jaraa’id ugu qabteen Muqdisho.

Jawaari oo hadalka ku horreeyey ayaa ku celiyey in Arbacada uu istiqaaladiisa Baarlamaanka hor gayn doono. Weli kama uusan hadlin sababta uu isu casilay.

“Waxaan ku celinayaa in amaanadii la ii dhiibay aan u celin doono golaha, wixii dheeraad ahna waxaan ku soo qaadi doonaa hadalkayga berrito” ayuu yiri.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna ka codsaday Jawaari inuu sii wado talo bixintiisa xagga qabyo tirka dastuurka. Baarlamaankana wuxuu ka codsaday inuu korjoogtayn joogto ah ku sameeyo xukuumadda.

Labada mas’uul kama aysan hadlin wax dhaafsiisan is casilaadda Jawaari ee la filayo inuu berri ku dhawaaqo, inkastoo aan la ogayn waxa ay ka wada hadleen ka hor shirka jar’aaid.

Isniintii ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, si lama filanaan ah ugu dhawaaqay inuu is casilayo.

Go’aankaas ayaa soo afjaray muran siyaasaded oo muddo dhowr todobaad ah ragaadiyey hawlihii baarlamaanaka iyom xukuumadda.

Murankaas ayaa keenay in xildhibaannada baarlamaanka ay aad u kala qaybsamaan, ayadoo qolo kastana, ayadoo cuskanaysa qodobbo dastuurka iyo xeerhoosaadka baarlmaanka ku jira, ay dhinaca kale ku eedeysay inay shuruucda ku xadgudbayso.

Jawaari qudhiisa ayaa dhowr goor eedeymo u jeediyey xukuumadda iyo madaxweynaha oo aan ka hadlin khilaafka intii uu jiitamayey.