Baledweyne:Ciidanka Dowladda oo ku raad jooga Rag ka tirsan Al-shabaab

Wararka Maanta

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay hawlgallo ballaaran oo amniga lagu sugayo ka sameeyeen xaafadaha qaar ee magaalada B/weyne.

Ciidamadan ayaa lagu arkaayey iyaga oo baaraya gaadiidka, sidoo kalena waxay galayeen guryaha si ay amniga u xaqiijiyaan.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaasi ayaa sheegay in ciidamada ay baadigoobayaan rag ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo la rumeysan yahay iney ku dhuumanayaan xaafado ka tirsan B/weyne waa sidey hadalka u dhigeenne.

Sidoo kale, saraakiishan ayaa sheegay in Al-shabaab kasoo baxsaday duqeymaha ka socda qaar kamid ah gobollada dalka ay soo aadeen dhanka B/weyne iyo nawaaxigeeda.

Al Shabaab ayaa shalay subax aroortii tiro madaafiic ah waxa ay ku garaaceen Saldhiga cidamada Jabuuti ee Magaalada Baledweyne.