Tottenham Hotspur Oo Xaqiijisay Saxiixa Lucas Moura

Ciyaaraha

Tottenham Hotspur ayaa xaqiijisay inay lasoo saxiixatay Lucas Moura oo ka yimid Paris Saint-Germain heshiis waqti dheer ah.

25 jirkaan ayaa qandaraaska u saxiixay kooxda ka dhisan Waqooyiga London ilaa 2023 ka dib markii uu 25 milyan oo ginni kaga soo wareegay kooxda Ligue 1.

Waqtiga uu ku sugnaa caasimadda Faransiiska, ciyaaryahanka reer Brazil ayaa ku guuleystay afar horyaal iyo todobo koob oo kale, lakiinĀ  xilli ciyaareedkan ka dib markii uu yimid Neymar iyo Kylian Mbappe oo ku biiray Parc des Princes waxa uu doonayay in uu ka caro badasho.

Moura ayaa xiran doona lambarka 27 ee Spurs.