Nin Ajnabi ah oo lagu dilay Boosaaso

Wararka Maanta

Nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Kenya ayaa maanta lagu dilay magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Ninkan ayaa ka shaqeynayey shirkadda kalluumaysiga Ocean, waxaana dilkiisa gaystay askari ka mid ahaa ilaalda shirkadda.

Taliyaha booliska qeybta gobolka Bari ayaa warbaahinta u sheegay in la hayo ninkii dilka gaystay.

Ciidamadda Amniga ee Magaalada Boosaso ayaa Gacanta ku soo dhigay Ninkii ka danbeeyay dilka muwaadinkii u dhashay dalka Kenya ee Saaka lagu dilay Magaalada Boosaso” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska Booliiska gobolka Bari.

Qoraalka Booliiska ayaa dhanka kale looga warbixiyay qarax miino oo saaka ka dhacay aga’gaarka hotel Boosaaso oo lala eegtay askar ka tirsan ciidamada maamulka Puntland.

Sidoo kale Waxaa Fashilmay Qarax loo maleegayay Ciidamada Amniga, Kaas oo lagula Beegsaday Aaga Hotel Boosaso, Iyadoo uu dhaawac fudud ka soo gaaray Askari ka Tirsan Ciidamadda”. ayaa la sii raaciyay qoraalka Booliiska.