Taliyaha Cusub ee Qeybta 21aad xoogga dalka Soomaaliya S/Guuto Yuusuf Maxamed “Kaanti” ayaa maanta soo gaaray magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug.
Taliye Yuusuf Kaanti ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayey Taliyihii xilka laga qaadey Gen. Claahi Aadan Xuseen ” Cirro” . garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa waxaa Taliyaha ku soo dhaweeyey Saraakiisha Qaybta 21aad iyo Askar, waxaana intaa kadib loo soo Galbiyay Xarunta Guud ee Taliska Qeybta 21aad .
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in munaasabada xil_Wareejinta lagu qabto Taliska Guud ee Qaybta 21aad oo ay xilka ku kala wareegi doonaan Taliyaha Cusub ee Taliyihii hore ee Qaybta . Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan badalay dhammaan taliyayaasha qeybaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, si loo dardargaliyo tayeynta ciidanka.
Cadaado ayaa martigalisay Taliska Qeybta 21aad muddo 4 sano ah kadib markii Ururka Ahlu Sunna uu bilowgii 2015 dagaal kula wareegay Taliska Qeybta 21aad ee Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug.