Stoke City & Everton Oo Xiiseynaya saxiixa Odion Ighalo

Ciyaaraha

Afar kooxood oo Premier League ah oo ay ku jiraan Stoke City iyo Everton ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan saxiixa weeraryahankii hore ee Watford Odion Ighalo.

Stoke Sentinel ayaa soo warineysa in Potters ay  weeraryahanka doondoonayaan, iyadoo Southampton iyo West Ham United ay sidoo kale qorshaha ugu jiro.

Ighalo wuxuu ka mid ahaa kooxdii halyeeysatada aheyd ee usoo dalacay Premier League 2015, waxaana uu abuuray iskaashi hufan oo uu la yeeshay xiddiga weerarka ka ciyaara Troy Deeney, isagoo dhaliyay 15 gool xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

28 jirkaan ayaa u wareegay kooxda reer China Changchun Yatai xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, ka dib markii uu dhaliyay kaliya hal gool 17 kulan oo uu saftay, waxaana warbixinta lagu sheegay in Stoke ay haatan isha ku heyso Ighalo islamarkaana uu ku laabanayo England.

Everton, oo Romelu Lukaku ku lumisay Manchester United xagaagan, ayaa isku dayday saxiixa Olivier Giroud, laakiin Toffees ayaa tan iyo markii ay ku tiirsaneyd weeraryahanka Senegal Oumar Niasse.