Spain oo badbaadisay 400 oo tahriibayaal Afrikaan ah

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Ciidamada Badda ee Dalka Spain ayaa badbaadiyay 408 tahriibayaal ah oo ku safrayay marinka Khatarta badan ee Badda dhexe (Mediterranean Sea) kuwaasoo dabayaaqadii Todobaadkan kasoo ambabaxy Waqooyiga Afrika.

Howl wadeennada ayaa sheegay inay 115 Qof ku qabteen halka lagu Magacaabo Gibraltar,  xilli ay ku safrayeen Shan Doonyood oo yar yar ah Axaddii Shalay ahayd Maalin ka dib uun markii ay soo badbaadiyeen 293 kale oo saarnaa Sagaal Sixiimadood.

Afhayeen u hadlay kooxaha gurmadka Spain ayaa Wakaaladda wararka AFP u sheegay inay jiraan Saddex Doomood oo ay saran yihiin Tahriibayaal Afrikaan ah oo ku safraya marinka Alboran Sea oo dhanka bari kaga beegan Xeebta Gibraltar ee Dalka Spain.

Hay’adda socdaalka Adduunka IOM (International Organization for Migration) ayaa sheegtay inay Sanadkii hore oo keliya ay ku safreen Badda dhexe (Mediterranean Sea) 22,400 Qof, halka Boqolaal kalana ay ku naf waayeen.

Isha/ Daily Nation