Sidee fatahaada Beledwayne u saameysay ciidanka Jabuuti ee halkaas ku sugan?

Wararka Maanta

Qisada qoraalkaan xambaarsanyahay waxay ku dhacday mid kamida askarta ciidanka jabuuti ee beledwayne kusugan.

Balawayn waxaa bilaabmay roob maqribkii waxaan qaatay gogoshaydii iyo labo boorso oo dharkaygii ka buuxo iyo hal boorso oo yar oo kitaabo iyo buugag ka buuxaan goobtu waa xaafada Hawlwadaag dhinaca qoraxsin
Saacadu markay todobadii habeenimo marayso ayaan waardiye koray”qabtay” meesha waardiyuhu fadhiisanayo waa meel aan gabaad roob lahayn ciid buuran oo xabada lagaga gambado uunbay leedahay Roobkiina waa sii xoogaystay
Saacad iyo badh kadib waxaa ii yimid askarigii waardiyaha ibadalaayay wuxuuna idhahay waqtigii aan kubadalayay ayaa la gaadhay ee sarakac
Waxaan dhahay sxb nin qoyani biyo iskama dhawree markuu roobku joogsado ii kaalay
Anaa waardiyaha sii xajine haduu joogsan waayana anigaa dhamaysani waqtigaaga

Hadal yaan idinku daaline waxaan gaadhka hayay todobadii ilaa sedexdii habeenimo dhagaxii aan ku fadhiyay waxaa soo dulmaray biyo waxaan dul koray meeshii dhufayska ii ahayd oo xoogaa kor u kacsanayd  Kama walwalaayo qoyaanka iyo dhiiqada aan qabo waqtigaas sobobtoo ah waxaan aqalka kusoo hubsaday Alaabtaydii oo dhan
Waxaanan isleeyahay gogoshaadii oo engegsan “Qalalan” ayaa dhulka kuugu sii diyaara boorsooyinkana meel sare ayaaban dhigtay.

Sedexdii habeenimo markay xoogaa dhaaftay een daalay ayaan dhahay iga badala waardiyaha waan daalaye waayahay ayaa lay dhahay waana laybadalay Dhulka waa madaw dariiqa looma jeedo intaan aqalkii kusii socday ayaa waxaa ila dhaadhacay dhulkii ilayn meeshaneey waa god musqul ah damtii ayuu imaqlay waardiyihii gurmad iyo dadaal badan kadib waa layga soo saaray
Wali mooralkaygu ma xuma oo waxaan isleeyahay waxan aad xidhan tahayoo dhanba waad iska badali oo alaab diiran baad xidhani.

Markaan furay aqalkii aan alaabta roobka kaga xaraystay oo biyuhu daaqada la siman yihiin
Iyo Alaabtiiyoo qaarkood sabaynayaan qaarna ay dageen weeye markay naxdin naftu iga bixi gaartay wlhi Waxaan soo fiirshay asxaabtayda sida uu xaalkoodu yahay ilayn hal qof oo seexday majirin nin kastaa alaabtiisii ayuu madaxa saartay iyaguna siday ukala gaabnaayeen ayay biyuhu ukala muquureen.
cirka biyo xoogle ayaa ka socda dhulkuna dadka kuwooda gaagaaban madaxa uunbaa muuqda meesha aan deganayna xoogaa dhulka ayay ka hoosaysay waligaayo miyaan aragnay dhacdadan oo kale

Hada dadka qaar ayaa moodaya waxa buuxsamay inuu yahay wabiga bas
Lkn aan ogayn inay magaaladii dhamayd buuxsantay madaxoogana ay ka dhaadhacayn

Lkn waa masiibo ilaahay uun xaalkeeda ogyahay umada reer Hiiraan qaasatan magaalada baladwayn kusoo noqnoqota
una baahan in wax laga qabto

Hadii aan xal waara oo biyabaxa lagaga hortego lakarayn waa in diyaar garaw waara lahelaa oo Lagu saacido umada naf iyo maalba khasaaraysa sanad kasta

Allaha u naxariisto intii ku naf wayday masiibadan
Khasaarana mayaree Allaha badal khayr qaba ha idiinku badalo

Xigasho:Hiil Walaal