Shirka Madasha Qaran oo goor dhow ka furmay Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah Muqdisho uga furay shirka Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay ka qaybgalayaan Madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo kuwa dowlada federaalka ee Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa Guulaha laga gaaray Doorashada haatan socota ee maraysa heer gabo gabo ah, iyo waxyaabihii ka hir galay go’aanidii horay ay u gaareen madaxda.

Waxaa shirkan ka qeyb galaya Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Ra’iisul wasaare kuxigeenka, Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Avv. Cumar Dhagey ayaa kulanka looga dhageystay warbixin ku saabsan doorashooyinka ka dhacay xarumaha maamul goboleedyada, cabashooyin laga keenay meelaha qaar ee doorashada ka dhaceen iyo xaqiijinta qoondada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa ku bogaadiyay Maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed, dhameystirka doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose, isagoo maamulada kale ugu baaqay inay dhameystiraan.

Ergeyga Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa canaan u jeediyay Madaxda Madasha, sida ay ugu gaabiyeen Hirgelinta Hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2016 oo aheyd in sanadkan gudaheed la qabto doorashada Madaxweynaha iyo tan Guddoonka Baarlamaanka oo saddex jeer dib u dhac ku yimid.

15267947_10211230109445550_272748817125216985_n 15317922_10211230106005464_3734292992822338383_n 15327350_10211230104685431_3082390442900713952_n 15327494_10211230107645505_6440801571081404991_n 15337610_10211230107605504_3685840532371551632_n 15356611_10211230104725432_3106101732106665867_n 15420830_10211230108685531_3174648951879559560_n