Eng Yariisow oo si Dadban u weeraray Golaha Shacabka

Wararka Maanta

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in wixii ka dhacay Golaha Shacabka aysan dhici laheyn hadii Xildhibaanada Maalintii Jimcaha aheyd ay ka qeyb geli lahaayeen tartankii Orodka gaaban ee lagu qabtay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dalkaan looga baahan yahay xasilooni siyaasadeed,isla markaana siyaasiyinta laga doonayo inay ogaadaan in Amniga dalka uu yahay kaalinta koobaad.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Siyaasiyiinta uu kala Shaqeyn doono sidii loo heli lahaa xasilooni Siyaasadeed si amniga dalka uu u hagaago.

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu ka sheegay munaasabad xalay lagu abaal mariyey Ciyaartooydii ka qeyb gashay tartanka Orodka ee Jimcihii la soo dhaafay lagu qabtay Magalada Muqdisho.