Shirka Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Oo Maanta Ka Furmaya Garoowe

Wararka Maanta

Magaalada Garoowe Ee Xarunta Gobolka Nugaal Ahna Caasimadda Maamulka Puntland Ayaa Maanta Oo Taariikhdu Tahay 21-10-018 Waxaa Ka Furmaya Shirka Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Qaar.

Garoowe Ayaa Hadda Waxaa Ku Sugan Dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada Marka Laga Reebo Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Mudane Max’ed Cabdi Waare In kastoo Goluhu Horay U Sheegay In Waare Uusan Qayb Ka Aheyn Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Dalka.

Khilaafka U Dhaxeeya Madaxda Maamul Goboleedyada Qaarkood Iyo Dawladda Dhexe Ee Dalka Ayaa U Muuqda Mid Sii Xoogeysnaya tan Iyo Markii Madaxda Maamul Goboleedyadu Sheegeen In ay Xariirkii Wada-shaqeyneyd U Jareen dawladda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya.

Shirkaan Ayaa Ah Kii Afaraad Oo Ay Yeeshaan madaxda Maamul Goboleedyada Waana Markii Ugu Horreysay Oo Sjirka Golaha Iskaashiga Dwalad Goboleedyada Lagu Qabanayo Garoowe