Shir looga hadlayo Horumarinta Galmudug oo ka furmay Dhuusamareeb (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shirkaan oo looga hadli doono qorshaha horumarinta Galmudug oo maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb galaya aqoonyahno iyo madax katirsan Galmudug oo uu kamid yahay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, waxaana sida qorshuhu yahay uu socon doonaa muddo afar maalin ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dawlad Goboleedka Galmudug C/xakiin Cali Guure ayaa ugu horyn ka hadlay furitaanka shirka waxaana uu sheegay  in shirkaan oo la iugu yimaado ay ka dhigantahay in Galmudug ay diyaar u tahay sidii ay ugu tashan laheyd wax soo saarkeeda xiligaan.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kula dar daarmay ka qaybgalayaasha inay mideeyaan maskaxdooda ayna soo saaraan habkii Wasaaraduhu ku howlgali lahaayeen si horumar loo gaaro.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Hay’adaha kala duwan ee maamulkaGalmudug waxa ay ku dadaalayeen qabashada shirar iyo kulamo looga hadlayo Horumarinta Deegaanada Galmudug.