Shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo maalinkii 2aad kasocda Qatar

Wararka Maanta

Waxaa Maalintii labaad ka socda Magalada Doxa ee dalka Qatar Shirka Kooxda isku-xirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee heerka Wasiiro Arrimo dibadeed,kaas oo shalay ka furmay halkaas loogana hadlayo Arrimaha dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas Maxamed C/raxmaan Al-Thani  ayaa shirka ka sheegay in raja weyn laga qabo in shirka ay kasoo baxaan qodobo lagu taageerayo Ammaanka iyo deganaanshaha Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la dhiso dowlad federala oo awood leh si dalka Soomaaliya uu u noqdo dal cagihiisa isku taaga,isla markaana nabad ah.

Soomaaliya waxaa Shirkaasi uga qyeb-galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,isaga oo kulan la yeeshay RW Kuxigeenka dalka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas,waxaana kulankooda ay uga hadleen arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya.

Shirka  Ururka Iskaashiga Islaamka ee heerka Wasiir ee ka socda dalka Qatar ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii Soomaaliya loo taageeri lahaa siyaasad ahaan, dhaqaalo ahaan iyo in Soomaaliya ay awood ku yeelato diblumaasiyada Caalamka.

Ugu dambeyn geb-gabada Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee heerka Wasiir ee ka socda dalka Qatar ayaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed lagu taageerayo Soomaaliya.