Ilhaan Omar oo ka mid ah Wakiilada Congaress -ka ayaa ka hadashay markii ugu horeysay burburintii ugu danbeysay oo ciidamada Kenya ay kula kaceen shirkad Isgaarsiinta Hormuud ee gobolka Gedo.
Qoraal kooban oo ay soo dhigtay boggeeda Twitter ka ayeey ku sheegtay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM looga baahan yahay in ay difaacaan Xarumaha Shirkadda Hormuud iyo guud ahaan Shirkadaha kale oo kordhiyay dhaqaalaha dalka.
”Dowladda Somalia iyo Ciidamada Nabad Ilaalintu waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan Shirkadda Hormuud iyo dhamaan shirkadaha kale oo qaaraan weyn ku leh dalka Somalia adeegyo muhiim ahna bixiya,mar aan Soomalia tegay sanadkii 2011 ayaan la yaabay sida tiknolojiyadda meel sare u gaartay Somalia ayay tiri Ilhan Cumar.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ay baareyso tallabadii ugu danbeysay oo ay qaadeen ciidamada AMISOM oo ay ku burburiyeen xxaruntii shirkadda Hormuud ee deegaanka Cows-Qurun ee gobolka Gedo.
Somali government and peacekeeping forces, need to protect @Hormuud and the Somali telecom industry as they make enormous contribution to the economy and provide vital services.
During my visit to Somalia in 2011, I was surprised by the quick evolution of technology in Somalia. https://t.co/u1vAht8sUo
— Ilhan Omar (@IlhanMN) August 25, 2019
Isha: Hiiraan.com + Twitter