Sh. Bashiir oo carqalad iyo dhaqan badal ku tilmaamay Qoondada Haweenka

Wararka Maanta

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’ada Culimadda Soomaaliyed, ayaa maanta Saxaafadda u sheegay inay arintaasi u arkaan mid carqalad ah.“Culimada Waxa ay umadda uga digayaan Barnaamijka Kootada Haweenka waayo waa qorshe ay gaaladu wadato, hor dhacna u ah Dhalan rogga Bulshada iyo Bur burinta Qoyska.” Ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay Qoondada Haweenka ee Siyaasada inay tahay mid carqalad ku ah qabsoomida Doorasho xalaal ah oo Somaliya ka dhacda.

“Kootada Dumarka waxay carqalad ku tahay in la helo Doorasho Xalaal ah waxayna qofka ka xayuubinaysaa Xorriyada codkiisa waana jajuub iyo amar kutaaglayn qaawan.” Ayuu yiri Sheekh Bashiir.

“Waxaan soo jeedinaynaa Madaxda dalka inay ka run sheegaan ilaalinta Diinta iyo dalka ay u dhaarteen oo aysan qayb ka noqon qorshahaas lagu hagardaameynaayo Umaddooda.”

Comments are closed.