Senator sheegay in Xil. Boqore todobaad ka hor laga kaxeystay Ilaaladiisii

Wararka Maanta

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa Shalay galab lagu dilay degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir. inkasta oo ay boolisku sheegeen in ay qabteen rag lagu tuhunsan yahay dilka xildhibaanka, hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya Taliska Booliska Soomaaliyeed ay todobaadkii hore ka kaxeysteen ilaaladii xildhibaanka.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sheegay in maalma ka hor ay Xildhibaanka wada kulmeen,isla markaana uu u sheegay in markii ay kulmeen todobaad ka hor uu ka walaacsanaa xaaladiisa Amniga, kadib markii Taliska boolisku ka kaxeysteen ilaaladiisa, xildhibaanka la dilay ayaa ka tirsaan xisbiga mucaaradka UPD oo uu hogaamiyo Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba Maamulka degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ayaa shalay markii uu dilka dhacay waxa ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah dadkii ka dambeeyay dilka oo watay gaari nooca raaxada ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore,iyaga oo sheegay in raggi dilkaasi geystay ay si nabad ah u soo baxsadeen.