Maamulka degmada Hobyo ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub maamulka degmadaas, oo dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey uu dhismaheedu socday, waxaana lagu dhisay mashruuca Tabarwadaag oo ah mashruuc ay maalgelintiisa iska kaashadeen Hay’adda magaceeda loosoo gaabiyo SSF iyo dadweynaha reer Galmudug, ayna fududaysay ha’adda maxaliga ah ee magaceeda loosoo gaabiyo CPD.
Dhismahaan ayaa looga faa’iideysanaa howsha degmada, waxaa sidoo kale socda dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Hobyo.