Sawirro: Rag Qaraxyo lagu qabtay Gobolka Gedo

Wararka Maanta

Maamulka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Laba nin oo qaraxyo watay, kadib howlgal Ciidamada ay ka sameeyeen.

Labada nin ee la soo qabtay oo lagu kala magacaabo Cali Cabdi Mursal iyo Maxamed Cabdi Saalax ayaa waxa ay qirteen inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, hubka lagu soo qabtayna ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan ciidamada ammaanka Degmada Luuq, kadib su’aalo kooban oo la weydiiyay.

Raggaan ayaa waxaa lagu soo qabtay Bambooyin, Taleefoonada yar yar iyo fiilooyin badan oo ay doonayeen inay qaraxyada ku xir xiraan, sida Saxaafadda loogu soo bandhigay Degmada Luuq.

Gudoomiyaha Degmada Luuq Maxamed Cismaan Xuseen Ganey ayaa Saxaafadda u sheegay in raggan waqti badan ay daba taagnaayeen ugu dambeyna ay u suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan.

Siyaad C/qaadir Muxumed Taliyaha ammaanka Degmada Luuq ayaa sheegay inay jiraan xubno kale oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo ciidamada ammaanka weli ay ku raad joogaan.