Sawirro: Wasiirka Arimaha Gudaha DFS oo Cadaado soo gaaray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado ayaa waxaa kasoo dagay wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Faarax Siciid Juxa, madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi ayaa wafdigaan garoonka ku soo dhaweeyey.

Wafdigaan ayaa ka qeyb galaya caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo beri ka dhaceysa magaalada Cadaado, sidoo kale Fanaanada Caanka ah Fartuun Birimo ayaa iyana soo gaartay Cadaado si ay ugu qeyb gasho caleemasaarka madaxweynaha.

Madaxweynaha Qaranka Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa inuu beri soo gaaro Cadaado, madax maamul goboleedyada ayaa iyana la sugayaa inay yimaadaan.

FB_IMG_1495973782147 FB_IMG_1495973795801 FB_IMG_1495973806019 FB_IMG_1495973786185 FB_IMG_1495973823991 FB_IMG_1495975865649