Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Sagootiyey Safiirkii Turkiga Ee Soomaaliya (Sawirro)

Wararka Maanta

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Olgan Bekar, munaasabad lagu sagootinayay kahor inta aanu dalku ka ambabixin kadib markii muddo xileedka shaqo ee danjiranimo ee Soomaaliya ay ka idlaatay.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Danjire Olgan Bekar uu ahaa saaxiib wanaagsan iyo taageere xiriirka diblomaasiyadeed ee wejiyada kala duwan leh ee u dhexeeya Muqdisho iyo Ankara. Bekar, Safiirka muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay, ayaa tixgelin weyn ka helay Soomaalida ha noqdeen dowladda iyo shacabkaba muddadii afarta sano ahayd ee uu howlgalayay.

Safiirka Turkiga ee muddo xileedkiisa shaqo ay ka dhammaatay ayaa aad uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal ee walaalaha ah uu hore u sii tisqaadi doono si sugan oo ay ku jirto danta labada dal.