Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa gaaray magaalada London.
Madaxweynaha ayaa safarkiisa ku wehliyey Ra’iisulwasare ku xigeenka dalka iyo Madaxdaa Maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.
Wafdigaan ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo beri ka furmaya magaalada London, waxaana la horey u tagay London Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.