Hogaamiyaha maamulka Ahlu sunno Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.
Wafdigaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo masuuliyiin kale.
Wafdi Ahlu sunno ayaa ka qeyb galay wada hadalo beri Muqdisho uga furmayo Galmudug iyo Ahlu sunno.
