Roobab mahiigaan ah ayaa xalay iyo maanta ka da’aya degmada Hobyo iyo Tuulooyinka Hoos yimaada koofurta Gobolka Mudug, Roob Mir ah ayaa xalay ka curtay deegaanadaas. Waxaana wali da’aya Roob biyo dhigay magaalada.
Deegaanada Xeebta Gobolka Mudug muddo saddex sano ah kama di’in roob fiican, waxaana roobka heleen ku diirsaday dad iyo Duunyo. Togaga biyo ku dara badda ayaa laga cabsi qabaa in ay qasaaro geystaan. Cabirka Roobka ayaa lagu sheegay inuu gaarayo qotinkiisa Gacan meelaha qaar.