Daawo: Ra’iisul wasaare Sharmaake oo galabta soo gaaray Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ra’iisul wasaaraha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Cadaado fadhiga dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa garoonka diyaaradaha Cadaado ku soo dhaweeyay Raiisul wasaaraha Soomaliya cumar cabdirashiid.

Ujeedada safarka Raiisul wasaaraha ayaa lagu sheegay sidii  wada hadal loogu dhameyn lahaa xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka mudug.

Ra’iisul wasaaraha ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Cadaado, wuxuuna shirar  la leeyahay madaxda iyo waxgaradka Galmudug. Waxaana la filayaa inuu beri u boqoolo dhanka deegaanaada Puntland.

Galkacyo ayaa maalmahan ka taagnaa dagaalo u dhaxeeyo maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana khasaaro badan ka dhashay dagaaladaas.

 

fb_img_1476462418065 fb_img_1476462413716 fb_img_1476462410063 fb_img_1476462342089 fb_img_1476462360108 fb_img_1476462421639 fb_img_1476462426423 fb_img_1476462430658 fb_img_1476462434289 fb_img_1476462440868

Comments are closed.