Sawirro: Madaxweyne Xaaf oo Markii ugu horeysay shir gudoomiyey Shirka Wasiirada Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta markii ugu horeysay shir gudoomiyey shirka golaha wasiirada Galmudug, Golaha wasiirada ayaanan yeelan wax kulan muddo dhowr bilood ah, waxaana Galmudug ilaa Janaayo 2017 ku jirtay qalalaase siyaasadeed, kaas oo ay hadda ka soo kabaneyso.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Golaha ayaa ka dhagaystay qaar ka mid wasiirada warbixino. arimaha ugu muhiimsan ee laga hadlay ayaa aheyd raadka abaaraha iyo roob yari ka jirta deegaanada Galmudug, Amniga iyo arimaha Bulshada.

Sidoo kale Waxaa shirka kasoo dhex muuqday wasiiro muddo sanad ku dhow ka maqnaa deegaanka, dhanka kale Madaxweyne Xaaf ayaa todobaadka ku amray dhammaan Madaxda Galmudug ee horey u daganaa xarunta Madaxtooyada in ay dagaan meelo kale, isagoo sheegay in Madaxtooyada loogu talagalay kaliya in ay noqoto goob shaqo. arintaan ayaa ah hadal heynta Magaalada Cadaado fadhiga dowlad goboleedka Galmudug.

18766074_10207652544070454_6652336545578310708_n 18767410_10207652541310385_1693600232209110444_n 18835664_10207652544630468_8025860250553491312_n 18835865_10207652542510415_547148229267153132_n (1) 18835865_10207652542510415_547148229267153132_n 18835868_10207652543390437_7082362744141314090_n