Sawirro: Madaxweyne Xaaf oo dib ugu soo laabtay Dhuusamareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa safar gaaban ku tagay Dalka Jabuuti waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu Jabuuti u tagay shir ku saabsan dekada hobyo waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Dekada dhismaheeda loo bilaabi doono. Inkastoo ilo madaxbanaan noo xaqiijiyeen in Madaxweynuhu halkaas u tagay saxiixa heshiis Shirkad Ajnabi  ah oo bixin doonta Shatiga Kaluumeysiga xeebaha Galmudug. Waxaana Madaxweyne Xaaf qorshahaan  ku wehliya Xareed Cali Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Barlamaanka Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa waxa uu hambalyo u diray Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo uu sheegay in uu yahay nabadoon waxa uu intaas ku daray in Gudoomiyuhu iscasilay saaka isaga oo u tanaasulay sidii wadanka uusan dib u dhac iyo burbur uga badbaadin lahaa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa caasimmadda Dhuusamareeb ka furi doona Shir ay yeelanayaan ganacsatadda Galmudug. Waxaana Shirkaas kasoo qeyb gali doona ganacsata waaweyn oo kasoo jeeda deegaanada Galmudug. Shirkaan ayaa looga hadli doonaa Maalgashiga iyo dhismaha Galmudug.