faafahino ayaa kasoo baxay weerar xalay ka dhacay magaalada London, saddex ayaa weerarkan fuliyey, waxayna markii hore gaari jiirsiiyeen dad lugeynayey meel buundo ah. waxayna kadib middi la dhaceen dad farabadan.
Booliska ayaa sheegay in tirada dhimashadu gaarayso 7 ruux, halka dhaawacu gaarayo 48 qofood, booliska ayaa ku guuleystay in ay dilaan saddexda nin, Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee dalkaas UK ka dhaca laba todobaad gudahood.
Weeraradan ayaa walaac ku abuuray dadka qaarada yurub, gaar ahaan UK, saxaafada Britain ayaa qoraysa in mid ka mid ah ragga weerarka geystay uu xirnaa maaliyadda kooxda Arsenal.