Xaflad isugu jiratay xirtaanka sanad dugsi yeedka 2016/2017 Dugsiga Hoose/Dhexe waaberi Godinlabe iyo arday dhamaysatay waxabarashada Fasalka 8-aad ayaa lagu qabtay Magaalada Godinlabe, Munaasabadan ayaa Waxaa kasoo qaybgalay Maamulka dugsiga, xubno kasocday ururada bulshada, macalimiin, walidiin iyo marti sharaf kale.
Dugsiga Hoose/Dhexe ee Waaberi Godinlabe ayaa waxaa aasaasay Bulshada Godinlabe, waxaana goobta ka hadlay
Cabdi Takiye Faarax wasiirkii maaliyadda Ximan iyo Xeeb, ahna gudoomiyaha guddiga maamula Dugsigaan, isagoo sheegay in ardayda dhigata Dugsiga Waabari Godinlabe ay lacag la’aan waxku baraan, asagoona balanqaaday inay sii wadi doonaan barnaamijkaas
Walidiinta ayaa ka mahad celiyay in ardaydooda waxbarasho lacag la’aan ah ay caruurtoodu helaan, waxaana gabagabadii Ardaydii kaalmaha fiican galay la gudoonsiiyey abaalmarino.