Sawirro: 223 Arday oo ka Qalinjabiyey Dugsiga Cumar Alfaaruuq Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Munaasabad ay ku qalinjabinayeen 223 arday oo dhameystay Waxbarshada Dugsiga Sare iyo Dhexe ee Dugsiga Cumar Alfaaruuq ayaa lagu qabtay xarunta kafaalo magaalada Cadaado.

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Madaxda Iftiin, waalidiin, Arday iyo marti sharaf kale.

109 Arday oo ah Dufcadii 4-aad ayaa ka qalinjabiyey Dugsiga Sare , halka 114 arday ka qalinjabiyeen Dugsi Dhexe, Waa tiradii ugu badneyd ee ka qalinjabiya Dugsiga Sare Cumar Alfaaruuq oo ay gacanta ku hayso hay’ada Iftiin.

Ardayda ayaa goobta kusoo bandhigay suugaan iyo aqoon, sidoo kale waalidiinta ayaa u mahad celiyey Hay’ada Iftiin oo caruurtooda waxbarsho tayeysan oo lacag la’aan ah deegaanka ugu keentay.

Masuuliyiintii madasha ka hadlay ayaa dardaaran ujeediyey ardayda inay waxbarshadooda sii wataan.

FB_IMG_1495137683777 FB_IMG_1495137687879 FB_IMG_1495137693062 FB_IMG_1495137697608 FB_IMG_1495137701118 FB_IMG_1495137707304 FB_IMG_1495137710858 FB_IMG_1495137715379 FB_IMG_1495137719869 FB_IMG_1495137723463 FB_IMG_1495137565081