Sawirro: Cadaado oo si weyn looga dabaaldagay Dhalashada Nabiga NNKH

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado caasimadda kumeelgaarka ah Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si weyn looga xusay Munaasabadda Dhalashada Nabigeena NNKH, Dibadbaxayaal calamo iyo astaamo lagu amaanayo nabiga ayaa socod ku maray wadooyinka magaalada.

Ka qeybgalayaasha ayaa socodkoodu kusoo gabangabeeyey beerta Macalin Nuur Bartamaha Magaalada Cadaado, halkaas oo culimadu ay ka jeediyeen muxaadarooyin iyo qasiidoon lagu weynaynayo dhalashada Nabigeena NNKH. Cadaado ayaa sanad kasta laga xusaa Munaasabaddan.