Sawirro: Bahda Waxbarashada oo soo dhaweyn u sameyey Musharax Prof Shirwac

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta
Munaasabada ay soo agaasimeen bahda waxbarashada galmudug oo lagu soo dhaweeyay pro C/qaadir maxmed shirwac oo ka mida dadka hormuudka u ah waxbarashada soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay magaalada Cadaado ee xarunta KM Maamulka Galmuudg.
Waxaa kasoo qeyb galay munasabadaan xildhibaano ka tirsan maamulka galmudug baxda waxbarashada maamulka degmada cadaado fanaaniin iyo qeybaha  kale ee bulshada iyadoo dadkii ka hadlay ay sheegeen in pro shiwac uu ka mid yahaya halyeyayda waxbarashada soomaaliya.
Cismaan macali  xasan geelle oo ka mida qaban qaabiyaasha xafladaan kula hadlayey macagac bahda waxbarshada ayaa prof Shirwac  uga mahad celiyay dadaalkiisii hore sheegana inay garab taagayihiin maadaama uu ka mid yahay musharixiinta xilka madaxweynaha ee  galmuudg.
Xildhibaan Garaad Yuusuf Maxamuud iyo Xildhibaan Xasan C/llaahi Maxmed oo ka mid abarlamanka maamulka Galmudug ee kasoo qeyb galay xafladaan ayaa sheegay inay tixgelinayaan rabitaanka bulshada hogaan wanaagsana u doori doonaan.
ugu danbeyn waxaa goobta ka hadlay pro C/qaadir maxamed shiwac in uu ka dhabey doono Balan qaadkiisa isalmrkana uu ka shaqeyn doona sidii loo hormarin lahaa bulshada ku nool gobolada dhaxe ee dalka soomaaliya.
IMG_2081 IMG_2080 IMG_2070 IMG_2067 IMG_2063 IMG_2051 IMG_2045 IMG_2043